Waxbarasho Tayo Leh oo Loo Siman Yahay

Waxbarasho Tayo Leh oo Loo Siman Yahay

Waxbarasho Tayo Leh oo Loo Siman Yahay

Himiladeennu waa in aan waxbarashada u beddelno awood xoog leh oo horseeda dib-u-dhiska qaranka, caddaaladda, iyo kobaca bulshada. Waxbarashadu ma aha oo keliya dariiqa guusha shaqsiga, balse waa masuuliyad qaran iyo waajib diimeed. Ururka Ramaas wuxuu rumeysan yahay in ay suuragal tahay in Soomaaliya laga dhigo dal uu qof walba, ilmo, dhalinyaro, iyo qof weynba helo waxbarasho tayo leh, loo siman yahay, oo casri ah, laga bilaabo miyiga ilaa magaalooyinka waaweyn.


Asaaska Bulsho Barwaaqo ah

Waxbarashadu waxay saldhig u tahay aragtideenna ah: “Soomaaliya oo barwaaqo ah, nabad ah, cadaalad ah, iyo sinnaan”. Waxaan u saarnay labo guddi oo kala ah Guddiga Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo Guddiga Tacliinta Sare & Teknoolajiyadda sidii ay u abuuri lahaayeen jiilal leh feker, xallinta dhibaatooyinka, hal-abuur, iyo aqoon buuxda. Kuwaasoo door muuqda ka qaadan doona horumarka dalka.


Fursado loo wada simanyahay dhamaan

Ururka Ramaas wuxuu taageerayaa in waxbarashada tayadeedu aysan ku koobnayn koox gaar ah, balse ay fursad u noqoto dhammaan bulshada Soomaaliyeed rag iyo dumar, tuulo iyo magaalo, sabool iyo taajir. Dastuurkeennu wuxuu si cad u sheegayaa in: “Qabaa’ilka, deegaanada iyo dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin fursadaha, dhibka, iyo dheefta”.


Waxbarasho Si Looga Baxo Saboolnimada

Waxbarashada tayada leh waa hubka ugu weyn ee lagula dagaallamo saboolnimada. Himiladeenna ayaa qeexaysa shaqo abuur iyo horumarinta khayraadka, waxaana aaminsannahay in tani ay ka bilaabato aqoon siinta muwaadiniinta si ay u helaan xirfado ay ku shaqaystaan oo ay noloshooda u horumariyaan.


Muwaadinimo ku Saleysan Qiyamka Soomaaliyeed

Inkasta oo aan rabno dhalinyaro fahamsan dunida casriga ah, haddana Ramaas wuxuu kaloo ahmiyad weyn siinayaa ilaalinta diinta Islaamka, dhaqanka, iyo aqoonsiga Soomaaliyeed. Guddiga Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Guddiga Awqaafta ayaa ka shaqayn doona sidii waxbarashada casriga ah loogu dari lahaa akhlaaq iyo aqoon diineed.


Xoojinta Haweenka iyo Kooxaha Laga Tiro Badan Yahay

Ururka Ramaas wuxuu si buuxda u garowsan yahay kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed. Garabka Haweenka ee ururka wuxuu diiradda saarayaa waxbarashada dumarka, doorkooda hoggaamineed, iyo ka qaybgalka siyaasadda. Waxaan burburin doonaa caqabadaha ku hor gudban waxbarashada gabdhaha, si loo dhiso bulsho caddaalad ah oo loo siman yahay.


Caawinta iyo Xalka Caqabadaha Jira

Waxaan ognahay in inkasta oo waxbarashadu tahay mid lama huraan ah, haddana ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin: dhaqaale xumo, amni darro, tayo la’aanta macallimiinta, iyo xarumo waxbarasho oo aan tayo lahayn. Ramaas wuxuu diyaariyey qorsheyaal cadcad oo ay ka mid yihiin:

  • Dhisidda dugsiyo cusub iyo qalabayntooda

  • Tababar joogto ah oo la siiyo macallimiinta

  • La shaqaynta jaaliyadaha iyo hay’adaha aan dawliga ahayn

  • Isticmaalka teknoolajiyada si waxbarashadu u gaarto meelaha fogfog

  • Ilaalinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta miisaaniyadda waxbarashada


Gunaanad: Ujeeddo Qaran oo loo mideysanyahay.

Waxbarasho tayo leh oo qof walba oo Soomaaliyeed uu heli karo ma aha aragti keliya, ee waa waajib qaran. Ramaas wuxuu ku baaqayaa in la helo ballanqaad guud oo shacabka, dowladda, ganacsatada, iyo ururrada rayidka ah ay iskala shaqeeyaan sidii waxbarashada loo gaarsiin lahaa qof kasta. Ma jiro horumar suurtagal ah haddii aan la maalgelin maskaxda jiilka berri.

WOULD YOU LIKE TO BECOME ONE OF OUR DONORS?

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa telefoonada hoos ku quran.

OVERVIEW
QUICK LINKS
Ramaas Somali Political Party
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.