Dhaqaale Xooggan waa dal xooggan.
Xisbiga Ramaas waxa uu aaminsan yahay in dhaqaalaha xooggan uu yahay furaha bulsho nabad ah, heysatana cadaalad, una siman fursadaha. Waxaan u taagannahay in aan abuurno dhaqaale sugan oo kobciya kartida muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo qof leh awood dhaqaale, xirfad shaqo, iyo mustaqbal ifaya.
Aragtideena Dhaqaale
Himilada Ramaas waa in aan hormarino wax soo saarka, shaqo abuur, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena, taas oo ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee lagu xusay xeerka ururka.
Ka Guuritaanka Saboolnimada, Loona loona guuro barwaaqo iyo isku filnaanshiyo.
Waxaan u aragnaa in baabi’inta saboolnimada ay ku bilaabato bixinta fursado dhab ah oo shaqo iyo horumar. Qof kasta waa in uu helo fursad uu ku bilaabo ganacsi, ku barto xirfad, ama ku shaqeeyo si xalaal ah — si uu noloshiisa iyo ta qoyskiisa u maareeyo.
Ganacsiga iyo Warshadaha:
Wadnaha Dhaqaalaha
Ramaas wuxuu leeyahay Guddi gaar ah oo u xilsaaran horumarinta warshadaha, wax soo saarka, iyo maalgashiga. Waxaan dhiirrigelin doonaa ganacsiga yaryar iyo midka dhexe, waxaana abuuri doonaa nidaam fudud oo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku horumarin karaan fikradahooda. Maalgashiga gudaha iyo dibaddaba waa in uu noqdaa mid la jaanqaadaya danaha qaranka.
Waxbarashada iyo Tababarka Shaqada
Waxbarashadu waa laf-dhabarta horumarka. Waxaan ka shaqayn doonnaa barnaamijyo waxbarasho iyo tababar xirfadeed oo la jaanqaadaya suuqa shaqada, si dhalinyarada iyo haweenku u helaan shaqooyin sharaf leh.
Sinnaanta Fursadaha Dhaqaale
Ramaas wuxuu rumaysan yahay in haweenka, dadka la takooro, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay mudan yihiin taageero gaar ah si loo gaaro sinnaanta fursadaha dhaqaale. Qodobka 5aad ee xeerka ururku wuxuu xooga saarayaa ilaalinta xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Kobcinta Kaabayaasha Dhaqaalaha
Waxaa naga go’an in aan horumarino kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, biyaha, korontada, isgaarsiinta iyo dekedaha, si aan u dardargelinno wax soo saarka gudaha iyo isku xirnaanta bulshada.
Iskaashi Qaran iyo Mid Caalami ah
Ramaas wuxuu aaminsan yahay in dhaqaale kobcaya lagu gaari karo iskaashi dhex mara dowladda, ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka. Waxaan hirgelin doonnaa siyaasad maalgashi iyo ganacsi oo furan oo ku saleysan danaha dadka Soomaaliyeed iyo ilaalinta khayraadka dalka.
Gabagabo
Dhaqaale xooggan wuxuu u baahan yahay hoggaan hufan, nidaam cadaalad ah, iyo dad karti leh. Ramaas wuxuu diyaar u yahay in uu horseedo dhaqaale furan oo dadku ku siman yihiin, laguna gaari karo horumar joogto ah. Waqtigeedii waa yimid: Aan dadka Soomaaliyeed siino awoodda dhaqaale ee ay mudan yihiin.
Waxaaan ugu yeereynaa ruux walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah ee nagu aragti ah in uu nagala qeyb qaato dhaqan galinta iyo hanashada hiigsigaasi aannu ku hormarineyno dalkeenna.